Ku soo dhawow Baardheere.com!
Baardheere, Gedo waa magaalo facweyn waxayna ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliyeed ee aan xeebta dhicin kuwooda ugu facweyn.
Sida magaalooyinka kale ee Soomaaliya, ma sugna taariikhda dagenaansho ama raad bini-Aadam xiligii ugu horeysay degmada Baardheere oo maanta ah degmada iyo magaalada ugu baaxada weyn uguna bulsho badan gobolka Gedo todobadiisa degmo. Webiga Jubba wuxuu maraa degmooyinka Doolow, Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere.
1. Daawo sawirada ama MUUQAALKA BAARDHEERE, GEDO, SOOMAALIYA
2. Sawirada muujinaya bilicda beeraha BAARDHEERE
Magaalada Baardheere waxay ku caan baxday geyiga Soomaaliyeed oo dhan lagu yaqaan labo arimood oo kala ah:
1. Raacashada Cilmiga Diinta iyo
2. Wax Soosaarka Khayraadka Beeraha.
Arday cilmi dhalab ah iyo macalimiin shaqo raadis ah ayaa wadanka Soomaaliya gees ka gees uga soo safri jirey si ay uga faa'iideystaan fursada cilmi naxwe iyo diin oo qarniyo badan ka jirey Degmada Baardheere gaar ahaan magaalooyinka Baardheere iyo Sarinleey.
Dariiqada suufiga ayay dadka raacan jireen badiyaa aqoontane aad ayey u yareyd. Sanadadii 1970yadii markii la helay dad aqoon u leh kitaabta caalamka Islaamka laga raacdo sida Saxiixeynka iwm ayay bulshada Soomaaliyeed indhaha kala qaaday halkaas oo wax badan oo dhaqanka bulshada la waafajiyey sunnada iyo kitaabka.
Magaalada Sarinleey oo Xarumo Xer lahaa ayaa aheyd hoyga labaad ee ay dadku ku soo hirtaan. Sarinleey mafaaso gaaban ayay u jirtaa magaalada Baardheere. Waayihii hore Sarinleey iney ka magac dheereyd Baardheere ayey u ekayd.
Dhanka waxsoosaarka khayraadka beeraha iyo mashaariicdii qaranka ee fidinta beeraha, waxaan ku faafaahinay qeybta "Beeraha." oo bog gaar ah aan siinay.
Macluumaad badan sida beeraha caanka ah, culuunta beeraha iyo dugsiyada ka jira Baardheere ee lago barto tacliinta sare ee cilmiga beeraha, ururada ama iskaashatooyinka iyo ganacsiga guud ee khayraadka beeraha ayaan soo bandhigi doonaa hadii Rabbi idmo.
>Taariikhda Baardheere ee dadka, meelaha iyo dhacdooyinka waayaha
>Hakaan ka akhriso qaariirada Magaalada Baardheere
>Sawiro: dhibaatada Faraqa Xaafada Kurmaan ee Baardheere
Ogow: Isticmaalka shabadakan, si aad qumaati ugu akhrisato bog walba, farta waxaad ka waynaysan ama yarayn kartaa geeska MIDIG KORE halka A A A aad ku aragto.
|